Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle written by Warsan Radio 29/09/2022 BELEDWEYNE — Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta degaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kooxda Al-Shabaab.Dadka ku dhintay dagaalka maanta waxaa ku jiray nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo hormuud u ahaa kacdoonka Al-Shabaab loga soo horjeedo ee ka socda gobalka Hiiraan.Dagaalka oo ku billowday qarax xoog leh ayeey labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.Degaanka Ceel Qooxle oo u dhow xadka goballada Hiiraan iyo Shabellehaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan Al-Shababab kala wareegay ciidanka degaanka.Sida ay VOA u sheegeen ilo-wareedyo degaanka ku sugan, xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degaanka Ceel Qooxle ku sugan ciidanka deegaanka ee Macawiisley.Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook uga tacsiyeeyey geerida nabadoon Cilmi.“Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.” Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle was last modified: September 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah You may also like Mucaaradka Puntland oo kalsoonida kala noqday Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland 28/12/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/05/2021 DHAGAYSO, SHEIKH NUR ABIIKAR QAASAM OO AH REER KOONFUR GALBEED WAREYSI SIIYEY WARSARAN 03/12/2016 Midowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ay ku kacayso lacago fara badan 27/04/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 05/09/2020 Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xarunta Radio Gedo 29/06/2020 Akhriso:-Dowlada Kenya oo xiriirka diblumaasi u jartay dowlada Soomaaliya 16/02/2019 Donald Trump oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynaha Mareykanka 16/11/2022 RW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangi dhawaan laga hirgeliyey Muqdisho 30/10/2023 Maamulka Galmudug oo faahfaahin kabixiyeeb kulankii dhexmaray Xubnaha Beesha Caalamka iyo Qoor Qoor 10/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.