Taliska Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ayaa Bandow soconaya 24 Saacadood kusoo rogay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib weeraro Saddex qarax ahaa oo Maanta ka dhacay.Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne laba Xidigle Bashiir Xuseen Jimcaale ayaa Shacabka Beledweyne ugu baaqay inay guryahooda joogaan sababo la xiriira cabsi laga qabo qaraxyo kale.Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Caawa guud ahaan Xaafadaha magaalada Beledweyne lagu arkayo Ciidamo ad u farabadan, iyada oo dadka qaarkood ay bilaabeen inay dhaqan geliyaan bandowga uu taliska Booliska Beledweyne soo saaray.Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa Maanta ilaa Caawa aad u kacsan, kadib markii weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen, waxana Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu sheegay in qaraxyada isaga lala damacsanaa.