Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab written by Warsan Radio 13/10/2022 Iyada oo qeybo kamid ah gobolka hiiraan ay ka socdaan dagaalo iyo howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay jiraan Siyaasiyiin xagal daacinayo howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.Xildhibaan Maalik Cabdalla oo katirsan Xildhibaannada golaha Shacabka ee qeybta ka ah howlgallada ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin Madaxweynaha Soomaalia kula gorgortamaya in la siiyo lacag iyo xilal si ay ugu biiraan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka siyaasiyiinta ah ee qorshahaas wada asyan aheyn AMISOM oo lacag ku qaadata dalka, isaga oo sheegay in aan laga aqbaleyn uuna socon doono dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.Ugu dambeyn Xildhibaan Maalik Cabdalla wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, balse Gobolada la deriska ah ee siyaasiyiinta kasoo jeeda shuruud ku xirayaan dagaalka ay Al-Shabaab ku weerari doonaan goobaha ay kasoo abaabulaan weerarada.Hadalka Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa kusoo aadaya xilli dagaalo farabadan ay ka dhaceen gobolka Hiiraan, isla markaana Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas ay dhowr jeer sheegeen in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka Maaliyadda dalalka Afrika oo la soo geba-gabeeyay & Somalia oo ka qeyb gashay next post Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday You may also like Dadaalo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble oo markale ka bilowday Muqdisho 21/09/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 01/09/2022 Video:-Xildhibaanadda Baarlamaanka KGS Oo Lakala Saftay Mucarad & Shariif 08/11/2017 Tirada dadka u geeriyooday Coronavirus soomaaliya oo korortay 25/04/2020 Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb 20/07/2022 Wasiir Jamaal Oo Walaac Darran Ka Muujiyay Ciidanka Sugaya Amniga Doorashada Boosaaso 19/02/2022 Cabdi Xaashi & Boqor Buurmadow oo qaadacey doorashada Somalia ee deeyayna Rooble 21/01/2022 Maamulka gobolka Gedo oo war kasoo saaray doorashada Degmada Garbahaarey 23/02/2022 Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga dhanka gacacsiga 08/09/2021 Dhageyso: Olalaha Wacgilinta Dastuurka oo baydhabo lagu soo gaba gabeeyay 19/02/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.