
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay hore u sii qaadatay qori uu watay marxuumka.
Marxuum Caraaye waxa uu kamid ahaa ergadii Galmudug kusoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka 11-aad, iyadoo dilkiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howgallo.