Maleeshiyaad hubeysan oo Wiil & Aabihiis kudilay degaan katirsan Gobolka Mudug written by Warsan Radio 17/10/2022 Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta Barqadii waxaa ay duleedka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug Puntland kudileen Wiil Aabihiis, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Goobjooayaal ayaa sheegay in Wiilka iyo Aabihiis oo ahaa Xoolo dhaqato ay raga hubeysan dhowr xabadood ku dhufteen, halkaasna ay ku geeriyoodeen, xilli ay la jireen xoolo ay lahaayeen.Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka loo geystay Wiilka iyo Aabhiis, waxana wararka ay sheegayaan in uu la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay degaano katirsan gobolka Mudug.Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaas.laamaha Amiga gobolka Mudug iyo kuwa degmada bursaalax ayaan weli hadlin dhacdadaan, hayeeshee dhowr jeer ayaa dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degaano katirsan gobolka Mudug, kuwaas oo la xaliyay. Maleeshiyaad hubeysan oo Wiil & Aabihiis kudilay degaan katirsan Gobolka Mudug was last modified: October 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Qatar oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya You may also like Ban Ki-moon oo Warqadaha danjirenimo ka guddoomay Yuusuf Garaad Cuma 12/11/2016 Taliyaha DANAB “Waa adag tahay in xilligan la helo dowlad kale oo buuxisa booska uu banneeyo Mareykanka” 06/12/2020 Dhageyso: Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 26/03/2023 Ruushka oo joojiyay qorshe ay wadeen Guddi ka socday Q/Midoobay 29/03/2024 Dhageso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/11/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/02/2019 Xiisad ka Taagan Magaalada Baladweyne 18/06/2023 Faah-Faahin: Dagaal Khasaaro Sababay Oo Maanta Ka Dhacay Galgaduud. 27/08/2022 Taliyihii Booliska Magaalada Qardho oo la dilay 15/06/2022 DHAGEYSO: Wafdi Ka Socda Dowlada ingiriiska oo Baydhabo Soo Gaarey. 11/08/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.