Booliiska dalka Kenya oo dacwad lagu soo oogay written by Warsan Radio 30/10/2022 Dacwad oogayaasha Kenya ayaa go’aan taariikhi ah oo ay gaareen ku sheegay Jimcihii inay kusoo oogi doonaan saraakiisha booliiska dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, kuwaas oo la xiriira olole dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday mudaaharaadyadii ka dhashay doorashadii 2017-kii.Eedaha loo haysto booliska ayaa waxaa ka mid ah kufsi, dil iyo jir dil, waxaana ka mid ah kiiska gabar lix bilood jir ah oo dhimashadeeda ay calaamad u noqotay falkii naxariis darrada ahaa ee boolisku ay geysteen intii lagu guda jiray doorashadii uu dhiiga badan ku daatay.“Tani waa kiiskii ugu horreeyay ee dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada ee lagu soo oogo sharciga gudaha ee Kenya, iyadoo la raacayo sharciga dambiyada caalamiga ah iyo sidoo kale dacwad dambiyeedkii ugu horreeya ee xadgudubyada galmada la xiriira,” ayuu yiri Nooraddin Haji, Agaasimaha Dacwad-oogista.Sarkaal ka tirsan xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in 12 ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay wajahayaan dacwado.Howlgalkii booliiska ee daba socday doorashadii madaxtooyada ee lagu murmay ee Ogosto 2017 ayaa lagu dilay tobannaan qof muddo afar bilood ah. Booliiska dalka Kenya oo dacwad lagu soo oogay was last modified: October 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono You may also like Weerar lagu diley 35 qof oo Shacab ah 25/12/2019 Akhriso:-Maxkamadda ICJ, oo Ku Wajahan Somalia Iyo Kenya Kadib Wada-Xaajoodkii Murankii Xuduud-Baddeedka 23/03/2019 Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay madaxweynaha Kenya 14/09/2022 Dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan 07/09/2022 Video:- Kal fadhigii Afaraad ee Baarlamaanka K.G.S ayaa Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo. 22/10/2017 Farmaajo oo markii ugu horeysay soo fariistay madal si toos ah su’aalo loogu weydiiyay 27/09/2020 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 13/01/2023 Maxkamadda ugu sarreysa Dalka Kenya oo dib-u-eegis ku sameyneysa qalabka codadka doorashada 31/08/2022 Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho 02/08/2023 Dhageeyso:-Tartanka Ramadaanka waa habeenkii 4 raad Xaafadaha kala ah Horseed B iyo Bardaale A waa tartan xiiso le 30-5-2017 31/05/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.