QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen written by Warsan Radio 05/11/2022 Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii dalka Yemen ee ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay. Iyada oo bilo ka hor uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaas oo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaadhaya.War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayu uku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taas oo ku ekayd, bishii October 2-deedii. Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada hadlaan sidii loosoo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay.Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo ka mida khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen.Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho.Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen was last modified: November 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala badh shaqaalaha Twitterka next post Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca You may also like Ciidanka Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine 27/02/2022 Mareykanka oo markale sheegay in cunaqabateen lagu soo rogi doono madaxda Soomaalida 27/04/2021 Dowladda Oo Ciidamo U Dirtay Wanlaweyn Ay Ka Dhaceen Dagaalo Khasaaro Geystay 15/12/2020 Dowladda oo sheegtay inay qabatay Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab ee Magaalada Marka 22/05/2022 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 17AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 25/11/2017 SIRDOONKA SOOMAALIYA OO BILAABEY ADEEGSIGA TECHNOLOGY-YADA CASTIGA AH 12/09/2019 DAAWO VIDEO SIMNAAR LOO QABTEY ISKASHATADA BEERALEYDA KGS AYAA MANATA KA DHACAY MAGALADA BAYDHABO 18/01/2017 Kiisaska COVID-19 ee Mareykanka oo dhaafay labo Milyan 11/06/2020 Dhageyso:-Doorasho qof iyo codkiisa kama dhici karto Dalka (Dood wadaag) 09/09/2019 WFP, is looking for a Programme Policy Officer in Dolow to support our mission for Zero Hunger in Somalia. 21/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.