Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista written by Warsan Radio 08/11/2022 Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa maanta ka qaybgalay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo looga hadlay horumarada laga gaaray arrimaha batroolka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna si waafaqsan sharciga.Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ka qaybgalayaasha shirka la wadaagay in wasaaradda Batroolka iyo macdanta ay soo dhamaystiri doonto xeerarka hortabinta u leh soo saarka shidaalka.Waxaa sidoo kale Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS shirka uu ka sheegay in la dedejiyo ansixinta sharciga canshuuraha ee kheyraadka ku jira dhulka hoostiisa oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.Ansixinta Sharcigan waxuu ka mid yahay sharuudaha ku xiran dhamaystirka dayn cafinta.Shirka sidoo kale waxa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamad Xaashi Carabeey.Ugu danbeentii Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa u-mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ahaa shir-guddoonka iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha kale sida Bangiga Adduunka , IMF, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyo Labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista was last modified: November 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddoomiye Madaale oo Shacabka Muqdisho ugu baaqay inay feejignaadaan next post Ilhan Cumar oo doorashada Maanta loollan adag kula galeysa haweeneey Madow ah You may also like Dhageso:-Waxbarashada Sare ee Gobolka Hiiraan aya sare u kacday sanadihii danbe {warbixin} 15/01/2017 MD Farmaajo oo cadeeyay in doorashada dalka dhaceysa ay ka duwanaan doonto kuwii hore 06/06/2020 Sheekh Shariif oo fariin u diray Farmaajo “Doorasho kaligaa aad ogtahay oo aad miiska soo saareyso ma shaqeyneyso” 03/07/2020 lacagaha diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka & Madaxweynaha oo la kordhiyay 18/04/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 01/06/2021 Taxanaha shirarkii looga hadlay doorashada iyo heshiisyadii laga gaaray ee aan la fulin (Warbixin) 04/02/2021 Xubin ka tirsanaa AL-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda Somalia 25/10/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/08/2021 Soomaaliya oo ku dhawaaqday xilliga la bilaabayo bixinta shatiga balookyada saliidda 13/05/2020 Ciidanka Ammaanka Puntland oo Sheegay inay gacanta ku dhigeen Qaraxyo 20/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.