Talibanta Pakistan oo ku dhawaaqay weeraro ka dhan xukuumadda Pakistan written by Warsan Radio 29/11/2022 Garabka hubaysan ee Taliban ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, arrintaas oo soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas.Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas.“Haatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ah” ayaa lagu yidhi go’aanka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan, iyada oo bayaankan u marisay dagaalyahanadeeda dhinaca warbaahinta, nuqul ka mida qoraalkaas waxaa heshay VOA.Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan.TTP ayaa sheegatay mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale tan iyo markii ay ka soo shaac baxeen Pakistan 2007, waxaana weeraradaas ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan.Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amniga ee Pakistan ayaa ku gacan seydhay sheegashada TTP isaga oo ku tilmaamay inay tahay marmarsiinyo lagaga baxayo heshiiskii xabbadjoojinta.“Haddii ay isku dayayaan in ay dib isugu abaabulaan halkan si ay u sameeyaan falal argagixisanimo, markaa waxaan xaq u leenahay inaan ka hortagno,” ayuu sarkaalku u sheegay VOA.Islamabad ayaa aaminsan in tan iyo markii ay kooxda Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan, inay iska indho tirtay hawlgallada ay wadaan Talibanta Pakistan, waxaana taasi ay fursad u siisay inay si xor ah, isaga kala gudbaan xuduudda labada dal iyaga oo qorshaynaya hawlgallo.Cabashadan ayaa keentay in xukuumadda Taliban ay dhexdhexaadiso oo ay martigeliso wadahadal nabadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya TTP iyo dawladda Pakistan, taasoo horseeday waxa loogu yeedhay “xabbad-joojin hal dhinac ah” bishii Juun.Hase ahaatee saraakiisha Pakistan ayaa weli u arka inaan heshiiskaasi aanu xakamayn weerarada laga soo qorsheeyo gudaha Afghanistan.Masuuliyiinta Talibanta Afghanistan ayaase iyagu diiday in dalkooda laga soo abaabulo weeraro ka dhan ah dalalka deriska iyo kuwa kale ee caalamiga ahba. Talibanta Pakistan oo ku dhawaaqay weeraro ka dhan xukuumadda Pakistan was last modified: November 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka next post Ruushka oo baajiyey kulan ay la yeelan lahaayeen Maraykanka oo ku saabsanaa heshiiska Nukliyeerka ee labada dal You may also like Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka 24/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/05/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 15/11/2017 Dhageyso Cali Cabdilaahi Cosoble “Anigaa Ah Madaxweynaha Saxda Ah Ee Hirshabelle” 17/09/2017 Roobab daad watta oo ka da’ay dalka jabuuti 22/04/2020 SAWIRO:Wasaarada Tamarta Iyo Qeyraadka Biyaha KG Oo Ay Waddo Dadaalo Ceelala Lagaga Hirgalinaayo Degaanada KGS. 01/11/2019 Maamulka Puntland oo shaacisay liiska Golaha degaanka Degmada Bandar-Bayla 05/07/2021 Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay muranka Arrimaha Shidaalka 18/09/2022 Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha oo magacaabay guddiga munaasabadda xil wareejinta ra’iisul wasaaraha cusub+SAWIRRO 19/09/2020 Boqolaal Carruur iyo Haween Falastiiniyiin ah oo lagu laayay Marinka Qasa 15/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.