Booliska oo soo bandhigay Daroogo laga qabtay Garoonka Aadan-Cadde written by Warsan Radio 05/12/2022 Saldhiga Boliiska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay dhowr nuuc oo daawooyin Koontrobaan ah kuwaas oo loo isticmaalo in lagu sarqaamo.Daawooyinkas oo dhowr jeer siyaabo kala duwan loogu qabtay Garoonka ayaa kala ah ;- 6 cartoon Tramadole Capsule 100 mg iyo 50 mg oo ay soo saaraan shirkadaha Zain Pharma iyo Zamadol oo ay soo saartay Zimadol, 2 cartoon oo Codeine Sharoobo Benyalin, Pregabalin Capsule 2 Cartoon, Cirbadaha Pethidine & oxytin 100 mg, oo ay soo saartay Martindole Pharma iyo hal cartoon Cirbada Robadole tramadole oo ay soo saartay Radiance Pharmaceticals Limited.Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodisho ayaa sheegay in Muqaadaraadkan ay yihiin kuwa ugu weyn ee sababa dembiyada nuucyadooda kala duwan, isla markaana Ciidanka Boliisku heegan buuxa ugu jiraan inay kula dagalaamaan muqaadaraadka dhan kasta oo uu ka soo galo dalka. Sida Garoonka, Dekada iyo Xaduudaha dalka.Afhayeenka ayaa sidoo kale uga digay cid walba oo ku howlan inay dalka keenaan daawooyinkaas lagu sarqaamo ee aan aheyn sifada sharciga ah. Booliska oo soo bandhigay Daroogo laga qabtay Garoonka Aadan-Cadde was last modified: December 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wareysi: Dood Wadaag Ku saabsanaa Tabinta doorashooyinka Oo Baydhabo Lagu qabtay. next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like RW ku Xigeenka dalka oo Guddoomiyay shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah 11/10/2023 Qaxooti Soomaali horleh oo gaaray Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya 11/11/2022 Wafdi Wasiirro ah oo Gaaray magaalada Dhuusamareeb 09/08/2023 Dhageyso:-XILDHIBAAN IDIRIS CABDI DHAQTAR IYO QUNSULKA DOWLADDA ITOOBIYA 30/12/2017 DAAWO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA KGS OO UJAWABEY ENG YIRIISOW 01/10/2018 Axmed Madoobe “Si hoose ayaa xal looga gaaray Khilaafyadii annaga naga dhex-jiray” 23/07/2020 Dhageyso:-Natiijada tartan aqooneedka Radio Warsan oo caawa Horseed A ka harey 20/04/2022 Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Idaacada Warsan 06/06/2023 Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo talyaha booliiska? 08/05/2021 Video Wararkii ugu dambeeyay Weerar ka dhacay Baay 29/01/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.