Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka written by Warsan Radio 14/12/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisada ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka was last modified: December 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland oo xukun ku riday rag dilal iyo qaraxyo geystay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/11/2021 Wafdi ka socda dowladda fidraalka Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Masar 06/12/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 15/08/2021 Ganacsade xaley lagu dilay Muqdisho iyo raggii dilka fuliyey oo iyagana la dilay 27/04/2020 Maxaa looga hadlay Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya? 23/02/2023 Dhageyso:-Xildhibaan Cabdi Shakuur oo ka tirsan Gudiga Amniga Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hor yimid Ciidamada Dowladda Federaalka ay u soo daabulayso Baydhabo. 01/12/2018 Qoysas ay soo barakiciyeen Shabaab oo gaaray Degmada Waajid 02/11/2021 Al-Shabaab oo baahisay muuqaal ay ugu baaqeyso dhalinyarada Ajaaniib inay Somalia u soo hijroodaan 14/05/2021 Ruushka oo galay Xaalad Dagaal 24/06/2023 Dhageyso+Sawiro:-Tiradii ugu badnayd oo qalin jabisa Kuleejka Xirfadda Caalamiga (IPC) oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo. 28/06/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.