Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta written by Warsan Radio 24/12/2022 Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysay baaqii ay soo saartay 11/ 12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.Shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.Bahda Sports-ka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhoweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore . Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta was last modified: December 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega next post Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Dhalinyarada 03/01/2022 Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku xukuntay Abuukar Macalin Axmed Hilowle 03/07/2021 Faah-faahin ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay Qaraxa gaari ee Waaberi ka dhacay 27/11/2016 Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Oo Ka Qabsoomay Magaalada Garoowe 24/03/2022 DHAGEYSO: Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/04/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga Warsan 20/09/2022 Qoor Qoor oo Lakulmay Madax katirsan IOM 13/09/2022 AKHRISO:-Danjire Keating oo la kulmay Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Puntland 25/07/2018 Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Federalka oo looga hadlay Amniga Doorashoyinka (Sawiro) 25/12/2020 Dhageyso:-Baraamij looga hadlaayo Barashada Nafaqada wanagsan iyo badqabka cunada 08/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.