Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega written by Warsan Radio 24/12/2022 Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF.Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xiriirta soo afjaridda colaadda laba sano jirsatay.Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November.Heshiiskan oo lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo labo sano ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed.“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri Kenyatta. Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega was last modified: December 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan next post Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta You may also like Midowga Afrika oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya kadib Markii uu RW Rooble uu cayriyay Madeira 04/09/2022 Akhriso+Sawiro:-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Dowladda Qatar Ka Guddoomay Doomo, Cagafyo Iyo Gaadiid Kale 13/11/2019 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 08/03/2020 AQRISO MAGACYADA MALAAQYADA KOONFUR GALBEED EE KU DHINTEY IYO KUWO DHAAWACMEY WEERARKII HOTEL DAYAX EE MUQDISHO 25/01/2017 DHAGEYSO:-Barnaamijka KulankaWarsan 30/05/2020 Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare oo diiday go’aankii Gudoomiye Cabdi Xaashi 10/06/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 13/11/2022 Akhriso:- wareegto lagu baabi’iyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha. 28/08/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha qeybtiisa 12 aad 13/03/2022 Madaale oo ka qayb galay ka qeybgalay xuska sanad guurada Waaxda Gurmadka Deg-Degga 26/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.