Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan written by Warsan Radio 24/12/2022 Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeyn uu ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.Weerarkan ayaa ahaa mid is-difaac ah, sida uu sheegay taliska ama AFRICOM, waxaana lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn hore, ma jirto dad rayid ah oo la dilay ama lagu dhaawacay.Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow magaalada Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho.Markii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood ah duqeyntaan ay dhacdo.Midka koowaad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay bishii May codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si looga hortago kooxda argagixisada ah. Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan was last modified: December 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris next post Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega You may also like Hoyga Maansada Soomaaliyeed Oo Daahfuray Tartanka Gabayada & Keydka Maansooyinka Soomaaliyeed 25/08/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Barashada Beeraha 26/12/2021 Nin Oday ahaa oo lagu dilay degmada Afgooye iyo faah faahino kasoo baxaya 29/08/2023 Midowga Afrika oo si adag uga hadlay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya 19/02/2024 Al-Shabaab oo saaka weeraray Saldhiga Af-urur & dagaal ka dhacay 27/03/2022 Aqriso: Al shabaab Oo Lawareegay Qeybo Kamid ah Degaanka Goofgaduud Buuray 23/12/2019 Dagaal ka socda duleedka degmada Xarardheere 18/01/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 29/01/2022 Soomaaliya oo taageero ka codsatay Caalamka 30/11/2022 Wufuuda ka socota Imaaraadka iyo Israa’iil oo gaaray Washington si ay u saxiixaan heshiiska ay dhawaan wada galeen. 14/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.