Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. written by Warsan Radio 11/01/2023 Is rasaaseyn khasaaro kala duwan geystay ayaa ku dhexmartay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaalada Xidlhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Golaha Shacabka iyo Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.Is rasaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada NISA ee ku sugan Koontoroolka Madiino Gate ay isku dayeen inay celiyaan Gaariga uu watay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo kayimid dhinaca Danwadaagaha kuna wajahnaa Garoonka, balse ay ka biyo diideen ilaalada Xildhibaanka, waxaana is rasaaseynta ku dhintay Askari kamid ah Ciidada NISA.Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil katirsan laamaha Amniga israsaaseynta ayaa waxaa kusoo baxay Saraakiil iyo Ciidamo kale, iyaga oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay kadibna xaliyay.Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in Askariga is rasaaseynta ku dhintay oo Magaciisa lagu soo koobay Carabeey uu muddo badan ka Shaqeeynayay Koontoroolka Madiino Gate, iyada oo Gaariga uu la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu socdaalkiisii iska sii watay. Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo cabasho ka ah Ciidamada hubeysan next post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee iDaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/10/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/02/2020 Akhriso:-Mukhtaar Roobow iyo C/casiis Lafta Gareen oo kulmay 07/02/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/02/2019 Dhageeyso:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay qarax gaari oo galabta ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto 27/08/2017 Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay duleedka Baydhaba 25/12/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 16/11/2021 Dhageyso:-Caawa Trtanka waxaa Habeenkii 5aad waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Waabari {B} iyo Salaameey {A} WAA TARTAN XIISO LEH 21-5-2018 22/05/2018 Dowladda Jabuuti oo dib u fureysa duulimaadyada Caalamiga ah 17/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Idaacada Warsan 05/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.