Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno written by Warsan Radio 14/01/2023 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sidii loo soo saari lahaa xubnaha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay yihiin ‘dhiqlaha.’Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii la hadlay dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay bannaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda oo looga soo horjeeday maleeshiyada Al-shabaab oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha Ing. Yariisow ee magaalada Muqdisho oo ammaankiisa si weyn loo adkeeyay.“Waxaan idiin kugu baaqayaa reer Muqdisho, Khawaarijtu waa idinku dhexjiraan… ee iska saara, guryihiina ayay ku jiraan, waa deriskiina, baabuur idin ku dhex maraan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.“Dadku waa ay ka daaleen gumaadka, dilka iyo dembiyada nooc kasta leh, waxayna hadda u sheegayaan Al-Shabaab, “Intaas ka badan uma dul qaadan karno,” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkii hore.Bilihii lasoo dhaafay ciidamada iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa dib ula wareegay dhul badan oo ku yaalla bartamaha dalka, kadib howlgal ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.Al-Shabaab ayaa muddo 15 sano ah dagaal dhiig badan ku daatay kula jirtay dowladda heysata taageerada caalamka, iyagoo weerarro ka geystay Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya oo ciidamada u soo diray si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro kooxda hubeysan. Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 next post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan You may also like DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 06/09/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 17/08/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/11/2021 Dhagayso:-Warka Galab Ee Idaacada Warsan 22/07/2020 Ra’iisal Wasaaraha Britain iyo Xisbigiisa oo guuldarro kala kulmay doorashooyinkii Baarlamaanka. 18/12/2021 Diyaarad siday Gargaar oo lagu rasaaseeyey Gobolka Baay 25/05/2020 Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adaha QM 16/02/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabaya Guddi ka kooban 5 Xubnood 31/12/2021 Sawiro: Taliye Maxamed Sheekh Cabdulaahi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magalada Baydhabo Kadib Safar Maalmo ah uu kusoo joogay degmada Xudur. 30/11/2019 Wasaaradda Maaliyadda oo canshuur kordhin samaysay 04/05/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.