Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar written by Warsan Radio 06/09/2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Al-Shabaab, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar was last modified: September 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada xoogga dalka oo degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha & waxgaradka degmada Maxaas You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 11/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/06/2021 Qaxooti Soomaali horleh oo gaaray Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya 11/11/2022 Wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaano ka tirsan degmada Jowhar 01/05/2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Safiirka Itoobiya kala hadlay Amniga doorashooyinka 19/09/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/12/2020 Hoobiyeyaal khasaaro geystay oo lagu garaacay Baraawe 09/02/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 17/09/2021 QM oo Cambaareysay duqeyn lala beegsaday xero ku taalla Yemen 22/01/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.