Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka oo Maanta furmaya & MW Xasan oo khudbad jeedinaya written by Warsan Radio 25/11/2023 Waxaa maanta oo sabti ah si rasmi ah u furmaya Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kasoo laabteen fasax ay bilihii lasoo dhaafay ku maqnaayeen.Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka, isagoo khudbadiisa uga hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, fatahaadaha iyo qodobo kale.Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa inta uu socdo kalfadhigaan waxaa horyaalla shaqooyin farabadan oo looga baahan yahay inay qabtaan, sidoo kalena waxaa horyaalla wax ka bedelka Dastuurka KMG ah iyo ajendayaal kale.Maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada ku maqnaa safaro dibadda ah ayaa dib ugu soo laabanayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona xalay loo diray fariimo loogu wargelinayo in Maanta oo sabti ah uu furmayo Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka, ayna kasoo qeyb galaan. Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka oo Maanta furmaya & MW Xasan oo khudbad jeedinaya was last modified: November 25th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maleeshiyaad hubeysan oo 14 qof ku laayay Weerar Gaadmo ah oo ay qaadeen next post Safiirka cusub ee Somalia ee Qatar oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/08/2020 Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Heshiiskii Sacuudiga Iyo Qatar 05/01/2021 Saaxiibada Caalamka oo soo dhaweeyey dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka 06/07/2021 Wakiilka Qarramada Midoobey iyo madaxweynaha Galmudug oo ku kulmay magaalada Dhuusa-Mareeb 24/01/2021 Faransiiska iyo Jarmalka oo ku baaqay in Afrika ‘kuraas joogto ah laga siiyo golaha ammaanka ee QM’ 14/01/2023 Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay doorashadii Golaha shacabka ee shalay lagu qabtay Garoowe 23/01/2022 Dowladda Somalia oo Hay’adaha Samafalka kala hadashay gurmadka Abaaraha 14/06/2022 War-Saxaafaadeed Laga Soo Saaray Shirkii Maaliyada Ee Maanta Ka Furmay Kismaayo 21/12/2019 Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay safiirada dalalka Qaar u jooga Soomaaliya (Sawirro) 07/10/2020 MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA 13/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.