Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay weerar geystay dhimasho iyo burbur hantiyadeed ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.
Warbaahinta Kenya oo soo xiganeysay Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Rag katirsan Al-Shabaab ay weerareen degaannada Marafa iyo Poromoko oo hoostaga Magaalada Lamu, isla markaana ay kudileen hal qof oo Shacab ah in ka badan 10 gurina ay ku gubeen.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan booliska Kenya ay tageen halka uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo xoogan, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Kooxihii werarka geystay.
Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa sidoo kale Warbaahinta u xaqiijiyay weerarkaas, iyaga oo sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira weerarkaas, balse aysan ilaa iyo hadda ogeyn sababta loo beegsaday dadkaasi rayidka ah.
Weerarkaan ay Al-Shabaab ka geysteen Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay yaraadeen weeraradii Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo kala duwan