Maamulka SSC Khaatuma oo sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada Al-Shabaab written by Warsan Radio 27/04/2024 Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed oo uu weheliyo Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Md. Dr. Maxamed Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Golaha sare ee Amniga iyo Difaaca.Hoggaamiyaha ayaa Golaha ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Amniga iyo Difaaca ee deegaannada SSC-Khaatumo.Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa ka warbixiyey xaaladda difaac iyo horumarrada laga sameeyey dib u habaynta Ciidammada qalabka sida, isagoo sidoo kale xusay in ciidanka SSC-Khaatumo yihiin geesiyaal iyo xaq u dirir markasta heegan u ah ilaalinta sharafta iyo karaamada shacabka SSC-Khaatumo.Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warbixiyey dedaalada amni sugid iyo adeegyada amni ee ay ku hawlanyihiin Ciidammada kala duwan ee Booliska, isagoona xusay in Booliiska oo kaashanaya shacabka ay si weyn ugu guulaysteen ka hortagga iyo ka dabatagga falalka amni-darro ee wax u gaysanaya bedqabka iyo xasilloonida shacabka.Intaa kaddib Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Siihayaha xilka Wasiirka Amniga Mud. Abdisahal Maxamed ayaa ka warbixiyey dhammaystirka shuruucda amni iyo qorshayaasha hortebinta u leh ka Wasaarad ahaan, ku waas oo si weyn u horseedi doona casriyaynta iyo qalabaynta Ciidammada kala duwan ee SSC-Khaatumo.Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa guddiga uga mahadnaqay shaqada adag ee ay u hayaan dadkooda iyo deegaankooda isago sidoo kalena shacabweynaha reer SSC-Khaatumo ugu baaqay in ay si weyn isu garab-taagaan Ciidammada Difaaca islamarkaana si dhawna ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee Amniga. Maamulka SSC Khaatuma oo sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada Al-Shabaab was last modified: April 27th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Aadan Madoobe iyo masuulka oo ka qeyb galay shir looga hadlay Arrinta Falastiin next post DS iyo ATMIS oo ka wada hadlay bixitaanka Ciidamo horleh oo katirsan ATMIS You may also like Video:-Xuska Maalinta Macalinka Aduunka Munaasabad Lagu Maamusaayey Waxaa Ay Ka Dhacay Magaalada Baydhabo 22/11/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/10/2021 Wararkii Ugu dambeeyay Xiisad ka taagan gobolka Saaxil 03/08/2023 Akhriso:-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo dib u dhigey ka bixitaanka ciidamada AMISOM 31/07/2018 Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qoysaska Dadkii lagu dilay Degmadda Boondheere 26/04/2020 Akhriso WAR-MURTIYEED Kasoo Baxay Shirka Madaxda DFS iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadad 22/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 20/12/2023 Dhageeyso:-Barnaamijka Tartan Qooneedka waxaa habeenkii 10 si toos ah usocda barnamijkii tartan aqonedka raadiyaha warsan baydhabo 06/06/2017 Dhageyso: Wasaarada Shaqada KG Oo Sheegtay In Sanadkaani Degaanada KG Laga Fulin Doono Mashaarico Hormarineed. 10/01/2020 DHAGEYSO:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 26/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.