
Militeriga Soomaaliya oo garabsanaya ciidanka deegaanka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada u dhaxeeya Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaannada gobolka Hiiraan, iskuna dayay in ay weeraro fuliyaan.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay heleen xog la xiriirta dhaqdhaqaaqa xubnahan, taas oo suurta gelisay la fuliyo hawlgalka, islamarkaana lala wareego deegaannada ay ku sugnaayeen AS.
Deegaannada Yasooman iyo Aboorey oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa AS, iyada oo Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka dhaqdhaaqyo ka wadaan.
Dagaal ayaa dhowr jeer ka dhacay Aboorey, waxaana Ciidamada ku dadaalayaan in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan.
Ma jiraan warar madaxbannaan oo laga helayo howlgallada ka socda gobolka Hiiraan oo ay wadaan Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.