
Warqad uu Xildhibaan Abiib u qoray Ciidamada Xoogga Dalka, uuna ogeysiiyey safaaradaha ka hawlgala Soomaaliya ayaa sida hoose u qornayd:
Ujeeddo: Malaayiin La Xaday, Ciidan Gaajaysan – Xaqiiqda Naxdinta Leh ee Musuqmaasuqa Villa Somalia
Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Geesiga ah,
Waxaan idiin soo gudbinayaa warqadan anigoo aan u hadleynin sida siyaasi ama xildhibaan, balse sida muwaadin Soomaaliyeed oo arka xanuunkiina, naftiina u horeysaan, iyo daacadnimadiina waddaniyeed – xilli dalka aad u heellan tihiin uu marar badan la idin illaabo, idinkuna marna aad waajibkiina illaawin. Idinku waxaad tihiin laf-dhabarta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaad tihiin gaashaan difaacaya karaamada iyo deeganka dhulkeenna. Idinkaa habeenkii aan seexan oo heeganka ah, cidlada ku sugan, iyo khatarta gudaha iyo dibadda idinka timaadda, halka kuwa isku sheega “hoggaan” ay ku noolyihiin qasriyo laga dhisay dhiiggiinna.
Waxaan si buuxda u leeyahay: Waan ka xumahay waxa idinku dhacay. Waan ka xumaaday sida la idinla dhaqmay. Waan caroodey xaq-darrooyinka la idinku hayo la idin abaalmariyey. Waxaad naga mudan tihiin sharaf, xuquuq, iyo taageero dhab ah – waxaanan idin ballanqaadayaa inaan u dagaallami doono si aad u heshaan xaqa aad u qalantaan.
Balse taa beddelkeeda, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Villa Somalia waxay magaca ciidanka ka dhigeen agab siyaasadeed, aalad borobagaando, iyo qasnada lacag lagu xado. Iyaga oo safarro ku mara adduunka oo raaxo leh kuna cuna malaayiin la xaday, waxay haddana xildhibaan kasta ka qaadayaan $500 afar bilood oo xiriir ah – iyagoo sheegaya inay idinku talo galeen lacagtan. Magaciina ayay isticmaalayaan, laakiin hal senti toona lama siiyo ciidanka. Xilli geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed maalin walba u dhimanayaan ammaanka iyo madax-bannaanida dalka, waxaynu aragnaa in hantida qaranka si ula kac ah loogu bixinayo danaha koox yar oo musuqmaasuqay siyaasadda dalka – halkii ay ahayd in lagu taageero ciidanka.
Ciidamadu waxay weli wajahaan mushaar aan joogto ahayn, agab xumo, iyo dayacaad ba’an – halka masuuliyiinta sare ee dowladda, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xoghayaha Joogtada ah, iyo Habdhhoraha Golaha, ay si joogto ah u ansixinayaan lacagaha la siiyo shirkado xiriir la leh iyaga, iyadoo aan lala xisaabtamin. Tusaale ahaan:
o Luqman Petroleum Co. Ltd waxaa la siiyaa $39,732.17 bishii;
o Daljir Trading and General Service waxaa la siiyaa $95,637.15 bishii;
o Mogadishu Guest House Restaurant waxaa la siiyaa $33,945.15 bishii;
o DEH Construction and Logistics Co. Ltd waxaa la siiyaa $48,189.60 bishii.
Kuwani ma ahan kharashaad hal mar ah lagu bixiyo – waa lacag si joogto ah u baxaysa oo loogu talagalay adeegyo aan muhiim ahayn, iyadoo baahiyaha Ciidanka Qaranka la iska indho tirayo.
Waxaa kasii daran kharashaadka raaxada iyo kuwa aan la fahmi karin ee ku baxa Madaxtooyada iyo R/Wasaaraha, sida:
o $246,859.00 safar laba maalmood ah oo uu sameeyey Madaxweynaha;
o $415,000.00 safar afar maalmood ah oo New York loo aaday;
o $902,557.70 oo la siiyey SADECH Builders Logistic Consultancy Co, iyadoo aan la sheegin sababta;
o $189,455.00 oo lagu kharash gareeyey casho uu Villa Somalia u qabtay Madaxweynaha Jabuuti;
o $194,000.00 oo la siiyey Blink Logistic Services si ay “u hagaajiyaan” gaadhiga Madaxweynaha;
o $194,983.43 oo lagu hagaajiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha;
o $150,000.00 safar 30-daqiiqo ah oo Ra’iisul Wasaaruhu ku tegay Adan Yabaal isagoo diyaaradda qumaatiga u kireystay;
o $217,255.75 oo la siiyey Eagle Trading and General Service adeeg “dayactir” ah oo aan faahfaahin lahayn.
Tani waa muujinta awood lagu xadgudbay iyo lunsiga hantida dadweynaha – iyadoo lagu sameynayo shacabka ay matalayaan. Malaayiin dollar ayaa ku luma raaxo, la-talin been ah, iyo adeegyo gaar ah, halka ciidamada – difaacayaasha Jamhuuriyadda Federaalka – aysan heysan xitaa mushaar ku filan inay qoyskooda quudiyaan ama hoy ku filan.
Dowladdu halkii ay ku maalgelin lahayd xoogga, daryeelka, iyo dhiirrigelinta ciidanka, waxay ku maalgelinaysaa raaxadeeda, sumcad been ah, iyo siyaasaddeeda cabsida leh. Tani ma ahan oo kaliya maamul xumo, waa khiyaano qaran iyo jebin lagu sameeyey kalsoonidii dadweynaha. Runta dhabtaa waxay tahay: adigoo oo gaajaysan waxa sababt u ah iyagoo xaday lacagtii la siin lahaa ciidamada.
Waxaan la soconaa malaayiin doollar oo ay siiyaan daneeyayaasha caalamka, deeq-bixiyeyaasha, iyo canshuur-bixiyeyaasha – in ay lacagtaas geliyaan account qarsoodiya oo ku yaal Turkiga, Kenya, Imaaraadka, Jabuuti, iyo dalal kale ay ku shubtaan. Waxay ku been abuurtaan kharashaad: safarro, dayactir, shidaal, tababarro, shirar aan dhammaanayn. Iyadoo la yiri lacag uma hayno si mushaar sax ah loo siiyo ciidanka.
Hadda, musuqmaasuqan ba’an awgii, dowladda Mareykanka waxay joojisay maalgelinta ciidanka Soomaaliya. Ka fikir tan. Waddankii ugu muhiimsanaa ee na taageeri jiray ma aaminayo dowladda hadda jirta inay mushaarka ciidankeeda siiso. Sababtoo ah lacagtu waa la xadaa. Sababtoo ah waa danbi. Sababtoo ah Villa Somalia waa goob dambiyo dhaqaale oo qarsoodi ah. Waxaayna ka dhigayaan kuwa runta sheega “cadawga ciidanka”? Waxaan kuu sheegayaa cidda cadawga ah: waa kuwa wax xada, oo haddana ku sheegta inay ku taageeraan.
Waxaa kasii daran – waana khiyaano aan la cafin karin – waa dhaqan xumada Wasiirka Gaashaandhigga ee hadda jooga. Halkii uu difaaci lahaa midnimada, dhexdhexaadnimada, iyo sharafka ciidanka, wuxuu noqday afhayeen Villa Somalia oo u adeega danahooda siyaasadeed. Wuxuu hanjabayaa in la cayrin doono askari kasta oo ilaaliya ammaanka hoggaamiyaasha mucaaradka. Goorma ayay noqotay in ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed – iyadoon loo eegeyn xisbiga ay taageeraan – noqoto khiyaano qaran? Ma hilmaamay in ciidankaan uu hadda handadayo ay ahaayeen kuwii isaga difaacayay markii uu isagu mucaaradka ahaa? Xagee ku dambeysay damiirkiisii?
Nasiib darrana, waxaa la idiin dhigay Wasiirkii ugu liitay ee abid soo maro Wasaaradda Gaashaandhigga – qof aan lahayn xirfad, aragti, iyo waddaniyad – balse leh hal ujeedo oo ah inuu xilka ku sii nagaado 10 bilood kale si uu idinka xadho lacagtiina. Isagu ma daneeyo dharkiina, caafimaadkiina, carruurtiina, ama mustaqbalkiina. Waxa uu daneeyo waa inuu ka mid ahaado golaha wasiirrada iyo inuu ka helo wax ka xadashada Villa Somalia. Shahaado keliya oo uu haysto waa daacadnimo uu u hayo tuugta. Hadaf keliya oo uu leeyahay waa inuu ku sii noolaado siyaasada – xitaa haddii ay ka dhigan tahay inuu burburiyo hay’addii uu ku dhaartay inuu ilaaliyo.
Haddii uu lahaa wax damiir ah, wuxuu ku bilaabi lahaa in uu eryo shirkadaha musuqmaasuqa lagu doortay ee Villa Somalia ay ka dhigteen qasnada lacag lagu lunsado – afar shirkadood oo qaata $400,000 bishiiba si ay u siiyaan raashin aan askarta gaadhin. Waxay noqdeen warshad xatooyo joogto ah.
Anigu ma aamusi doono. Waxaan diyaarinayaa mooshin qaran oo laga keeni doono Golaha Shacabka si:
o Mushaharkiina loo gaarsiiyo ugu yaraan $1,000 bishii.
o Carruurtiina loo siiyo waxbarasho bilaash ah.
o Idinka iyo qoysaskiina loo dammaanad qaado daryeel caafimaad buuxa.
o 50% laga gooyo miisaaniyadda been abuurka ah ee dowladda: safarro, raaxo, la-taliye been ah, iyo hoteello.
o La joojiyo dhammaan qandaraasyada been abuurka ah ee cunaya raashinka ciidanka.
Taas kaliya waxay soo celin kartaa in ka badan $350 milyan oo doollar – taas oo ku filan in lagu siiyo nolol sharaf leh, halkii aad maanta ka heshaan hadhaaga amba hambada.
Idinku mar dambe aalad siyaasadeed ma noqon doontaan. Waxaa la idiin aqoonsan doonaa geesiyaal qaran.
Mar dambe kuma quudhi doontaan hadhaaga amba hambada. Waxaa la idiin siin doonaa karaamo.
Mar dambe la idiin iloobi maayo. Waxaa la idiin dhigi doonaa aasaaska dib u dhiska Soomaaliya.
Walaalayaal ciidanka Soomaaliyeedow: waan idin arkayaa. Waan idin rumeysanahay. Waxaan idiin ballan qaadayaa: inta aan kursigan ku fadhiyo, ma nasanayo ilaa la ixtiraamo nafta aad noo hureysaan, la soo celiyo sharaftiinna, lana sugo mustaqbalkiinna.
Adinku Soomaaliya ayaad u adeegtaan. Soomaaliya waa inay idiin adeegi doontaa.
Alle ha idin ilaaliyo, qoysaskiinnana ha barakeeyo, hana lacnado kuwa idinka xada iyagoo sheeganaya hoggaanimo.
Dr. Abdillahi Hashi Abib – BA, MA, MASc, Ph.D
Member of Foreign Affairs Committee Federal Republic of Somalia the House of People
Mogadishu, Somalia
