
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay Afrika u samaysay canshuur dhaaf si loo kordhiyo badeecadaha dalalka ku bahoobay qaaraddaan ay u dhoofiyaan dalkiisa u kordhiyaan sida ay ku warrameen ilo ku dhow tallaabadaan.
Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay in qorshahaan uu xoojinayo xiriirka Ganacsi iyo midka is dhexgalka ah ee Shiinaha uu la wadaago Qaaradda Afrika oo si uu u xoojiyo baratanka kala dhaxeeya Dalalka ay loolamaan.
Goโaankaan waxa uu dhaqangalayaa 1da May sanadkaan 2026, waxa uu Shiinuhu baahiyay in tani ay noqon doonto fursad labada dhinac ah, Beijing ayaa heli doonta waxyaabaha ay uga baahan tahay Afrika halka Dalalka waxsoosaarkooda dhoofinaya ay helayaan suuq.
Shiinaha ayaa horay heshiis dhinaca Badeecadaha loo dhoofinayo Dalkiisa la galay Dalal kala duwna oo Soomaaliya kamid tahay, waxa uu dhowr jeer u qabtay shirar kala duwan oo ugu danbayn Beijing ay ku saldhigtay Siyaasaddeeda Afrika.
