
𝗠𝗨𝗤𝗗𝗜𝗦𝗛𝗢 | 𝟬𝟱 – 𝗠𝗮𝗮𝗿𝘀𝗼 – 𝟮𝟬𝟮𝟲 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhoweynaysaa ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadan taariikhiga ah waxay dhammaystiraysaa qabyo-tirkii dastuurka KMG ahaa, isla markaana saldhig u noqoneysa heshiis bulsho oo caddeynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka kala duwan ee hay’adaha federaalka.
“Ansixinta iyo dhameystirka waxay xoojinaysa mabaadi’da dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo midnimada qaranka, iyadoo dhidibada u aasaysa nidaam dowladeed oo ku saleysan sharci, hufnaan iyo wadajir.” Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guuud Xil. Ayuub Ismaaciil
