
Dowladda Qadar ayaa si adag u cambaaraysay afduubka markab shidaal oo laga qabsaday biyaha dalka Yemen, kaas oo ay saarnaayeen badmareeno u dhashay dalka Masar, laguna haysto xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabkaas loola baxsaday biyaha Soomaaliya, gaar ahaan aagga maamulka Puntland.
Qadar ayaa falkan ku tilmaantay mid ka horimanaya shuruucda caalamiga ah iyo khatar weyn oo soo wajahda badqabka marinnada badeedka iyo ganacsiga caalamiga ah.
Dowladda Qadar waxay muujisay inay si buuxda u garab taagan tahay dalka Masar iyo qoysaska badmareenada la afduubay, iyadoo ku baaqday in la dammaanad qaado badqabka shaqaalaha markabka iyo in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo.
Dowladda Masar ayaa Isniintii xaqiijisay in markab shidaal oo ay saaran yihiin siddeed badmareen oo u dhashay dalkeeda laga afduubay xeebaha Yemen, lana geeyay gudaha Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in markabkan ay burcad-badeed qabsadeen 2-dii bishan May xilli uu marayay xeebaha gobolka Shabwa ee koonfurta dalka Yemen, waxaana guud ahaan saarnaa 12 badmareen oo isugu jira dad u dhashay Masar iyo Hindiya.
