
Wakiillo katirsan Beesha Caalamka ayaa maanta lagu wadaa in ay la kulmaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka si loo dhagaysto doodaha Siyaasadeed ee ka dhex jira labada dhinac ee la xiriira Doorashada & Mustaqbalka Dalka.
Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Caasimadda u yimid martiqaadka Beesha Caalamka si loo dhagaysto tabashadiisa siyaasadeed iyo aragtiida doorashada Dalka.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ku kulmay xubno katirsan Mucaaradka oo doonaya in ay dalka ka qabsoonto Doorasho dadban oo degdeg ah iyaga oo ku doodaya in waqtiga xilhaynta Madaxda Dowladda uu sii dhammaanayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sal ka dhiganaysa Dastuurka cusub ayaa ku doodaysa in muddo sannad ah uu ka dhiman yahay muddo xileedka Dowladda, sidoo kalena ay qabanayso Doorasho qof iyo cod ah oo Muqdisho & Koofur Galbeed ka qabsoomeen.
Kala aragti fogaantaasi waxa ay sababtay in labada dhinac waa Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ay kala istaagaan labo daraf, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhagaysanaya doodahooda inkasta oo ay horay u soo dhaweeyeen doorashadii dadweyne ee dhacay.
Haddaba, Beesha Caalamka ma waxa ay taageeri doontaa in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Dadban mise tan Dadweyne?
Maxaase dhici kara haddii Wakiillada Dalalka kala duwan metalaya ee Muqdisho jooga ay dhinac u tuuraan muranka siyaasadeed ee
