
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo dhibsaday Warbixinnada ay soo bandhigayaan Warbaahinta aan taageersanayn Siyaasadda Xukuumaddiisa ayaa eedayn kala dul dhacay kaddib markii ay sheegeen in awoodda Militari ee Iiraan ay weli jirto.
Donald Trump ayaa weerar toos ah ku qaaday Warbaahintaas ka janjeerta ee soo bandhigaysa xogaha ka dhanka ah oo suuragalin kara inay kacaan Dadka Maraykanka maadaama warbixinnadii uu horay uga siiyay Arrimaha Iiraan ay kahor imaanayaan.
Waxa uu wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay Warbaahinta uu ku tilmaamay in ay buunbuurinayaan Iiraan kana soo horjeedaan howlgallada dalkiisa, Trump ayaa si caro ku dheehan tahay uga falceliyay hadalladaas.
Wargayska New York Times ayaa Warbixin uu baahiyay ku sheegay in qiimaynta sirdoonka Maraykanka ay muujinayso inay Iiraan weli haysato qayb weyn oo kamid ah Awoodda Militariga, waa hadalka uu sida tooska ah u dhibsaday Donald Trump.
Warbixinta Wargayska ee lagu dhisay Xog-baaristiisa dhinaca Sirdoonka waxaa lagu ogaaday in 30 kamid ah 33da Saldhig ee Iiraan ay dhisan yihiin kuwaas oo ku teedsan Marin biyoodka Hormuz, waxaana intaas dheer Xarumaha Dhulka iyo Gantaallada culus ee diyaarsan.
