
Dowladda Kuwait ayaa qaadday tallaabo ka dhan ah Dad badan oo Xukuumaddu dib ugala laabatay dhalashadeeda kuwaas oo isugu jira Siyaasiyiin, Culimo, Fannaaniin, Ciyaartoy & qaybaha kala duwan ee Bulshada Dalkaas.
Bilhii lasoo dhaafay ee sannadkaan 2026 waxaa la sheegay in Dowladda Kuwait ay dhalashada dib ugala laabatay Dad kor u dhaafaya 70,00 waxaana ay la kulmeen Dadkaas dhibaatooyin xooggan sida ay waayeen lacagihii ay heli jireen, koontooyinkooda oo la xiray & in aysan safri Karin.
April oo keliya waxa ay Dowladdu dhalashada dib ugala laabatay dad gaaraya 1,266 waana arrin guux badan ka dhex dhalisay Dalkaas maadaama laga eryayo shaqooyinka Dowladda, sidoo kalena aanay lacagtiisa kala bixi Karin Bangiyada & In ubadkiisa laga eryayo Waxbarashada.
Tallaabadaan waa mid gilgishay guud ahaan Dalka Kuwait, waxaa cabsi xooggan ay soo wajahday Dadkaas haysta dhalashada oo waqti weliba suuragal ay tahay in laga qaadi karo kana istaaggi karaan xuquuqaadkii uu heli jiray.
Dadka la yaabay tallaabadaas waxaa kamid ah goolhayihii hore ee xulka Kuwait, Ahmed Al-Tarabulsi oo nin xushmad weyn ku dhex leh bulshadiisa ah, sidoo kale waa Sheekh xitaa munaasabadaha dalkaas ka dhaca qur’aanka ka aqriya.
Arrimaha kale ee layaabka leh waa in dadkaas dib looga celiyay dhalashada Kuwait in ay ku jiraan kuwo Dalkaas oo keliya dhalasho ka haystay kuwaas oo haatan noqday Dad aanay lahayn Dal, Xuquuq iyo Aqoonsi waddan.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa walaac ka muujiyay xeerarka iyo Dastuurka Dalkaas oo ay jebisay Dowladda Kuwait, waxaa socda sidii loo abaabuli lahaa doodo culus oo ka dhan ah arrintaas laguna dalbanayo in dib loogu celiyo dhalashadooda Dadkaas.
