
Doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay natiijadooda rasmiga ah, iyadoo ururka JSP uu noqday ururka ugu kuraasta badan Golaha Wakiillada kadib markii uu helay 51 kursi.
Natiijada doorashada ayaa muujisay in ururka NPU uu galay kaalinta labaad isagoo helay 14 kursi, halka ururka Karaama uu ku guuleystay 11 kursi.
Sidoo kale, ururka SINCAD ayaa helay 6 kursi, Towfiiq 4 kursi, halka Tiir uu helay 3 kursi.
Dhanka kale, ururrada Waaberi, Madalsan, Muwaadiniinta Soomaaliyeed, SAAB, Dhalinyarada Talo Qaran iyo Ramaas ayaa mid kasta uu helay hal kursi.
Natiijadan ayaa ka dhigeysa JSP ururka ugu awoodda badan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kadib doorashadii qof iyo codka ahayd ee dhawaan ka dhacday deegaanada kgs.
