Muqdisho β Jaamacadda SIMAD ayaa ku dhawaaqday inay si gaar ah u qoondeysay fursado deeq waxbarasho oo loogu talagalay ardayda reer Suudaan, kuwaas oo ka faaβiideysan kara waxbarashada heerka koowaad iyo heerarka waxbarashada sare.
Goβaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jaamacadda SIMAD ee lagu taageerayo helitaanka waxbarashada sare, iyadoo la xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Suudaan.
Deeqaha waxbarasho waxaa lagu dhawaaqay kaddib kulan dhexmaray Rector-ka Jaamacadda SIMAD, Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed, iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa isku-xirnaanta iyo garab istaagga labada shacab.
Jaamacadda SIMAD ayaa sheegtay in hindisahan uu aqoonsanayo kaalintii iyo taageeradii taariikhiga ahayd ee dowladda iyo shacabka Suudaan ay Soomaaliya u fidin jireen, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalka soo maray.
Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed, Rector-ka SIMAD, ayaa sheegay in Suudaan iyo shacabkeedu ay Soomaaliya garab taagnaayeen xilliyo adag, isla markaana jaamacaddu ay ku faraxsan tahay inay iyaduna muujiso isla ruuxdaas iskaashi iyo walaaltinimo, iyadoo abuureysa fursado waxbarasho oo loogu talagalay ardayda Suudaan.>
βSuudaan iyo shacabkeedu waxay Soomaaliya garab istaageen xilliyo adag.
Deeqahan, Jaamacadda SIMAD waxay ku faraxsan tahay inay ballaariso isla ruuxdaas wadajirka ah, iyadoo abuureysa fursado waxbarasho oo loogu talagalay ardayda Suudaan.
βJaamacaddu waxay sheegtay in qorshahan uu qayb ka yahay ballanqaadkeeda ballaaran ee ku aaddan fidinta waxbarashada sare ee tayada leh, abuurista fursado cusub, xoojinta iskaashiga gobolka iyo in waxbarashada loo adeegsado horumarinta bulshada.

Ugu dambeyn, Jaamacadda SIMAD waxay shacabka Suudaan u dirtay duco iyo hambalyo ku aaddan nabad, xasillooni iyo barwaaqo waarta.
Warsan Radio β Codka Shacabka
