
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ahaana gudoomiyihii hore baarlamaanka jamhuuriyada federalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulan casho-sharaf iyo mahadnaq ah oo lagu maamuusay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo ay ka qeybqaateen madaxda dowladda federaalka, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda kaga qeybgalay isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay wadajirka hay’adaha dowladda iyo iskaashiga madaxda qaranka, gaar ahaan xilligan oo dalka uu ku jiro marxalad muhiim ah oo la xiriirta xoojinta dowladnimada iyo horumarinta hay’adaha dastuuriga ah.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa loo rajeeyay in uu si hufan u hoggaamiyo Golaha Shacabka, isla markaana uu door muuqda ka qaato gudashada waajibaadka sharci-dejinta, matalaadda shacabka iyo horumarinta howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka casho-sharafta ayaa sidoo kale fursad u ahaa madaxda iyo masuuliyiinta ka qeybgalay inay Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyaan xilka loo doortay, isla markaana ay u muujiyaan taageero iyo garab istaag ku aaddan gudashada mas’uuliyadda cusub.
Munaasabaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Golaha Shacabka uu galay marxalad cusub oo hoggaamineed, iyadoo laga filayo Guddoonka cusub inuu sii ambaqaado howlaha Baarlamaanka, xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isla markaana uu ilaaliyo doorka Golaha Shacabka ee dowlad-dhiska Soomaaliya.
Warsan Radio — Codka Shacabka
