Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Farah Sheekh Cabdulkadir Maxamed, ayaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Türkiye.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha maalinlaha ah iyo horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinaca waxbarashada, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta waxbarasho ee Soomaaliya iyo Türkiye.
Mas’uuliyiinta kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo waxbarashada, tababarrada, iyo iskaashiga hay’adaha waxbarashada ee labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay xoojinta xiriirka waxbarasho ee Türkiye, oo ka mid ah dalalka muhiimka ah ee taageera Soomaaliya dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta aqoonta.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen diyaar garow ku aaddan sii wadista iyo ballaarinta iskaashiga waxbarashada.
Mas’uuliyiinta Türkiye ayaa Wasiirka Farah Sheekh Cabdulkadir uga mahadceliyay booqashada iyo wada-hadallada miro-dhalka ah ee ku saabsan mustaqbalka iskaashiga waxbarasho ee labada dhinac.
