
Danjire Dr. Axmed Jaamac Cumar ayaa noqday Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, isagoo loo igmaday inuu Soomaaliya ku matalo dalka Suudaan.
Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan, Axmed Jaamac Cumar, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Madaxwey K Xukumadda Ku-meel-gaarka ah ee Suudaan (Golaha Suvereniyada) Cabdulfataax Al-Burhaan, magaalada Khartuum.
Danjiraha ayaa xaqiijiyay in Xukuumadda Muqdisho ay taageersan tahay amniga, madax-bannaanida, iyo midnimada dhulka Suudaan, wuxuuna Al-Burhaan gaarsiiyay salaan uu ka waday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Tallaabadani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu sii socdo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo sirdoonka, taas oo timid ka dib booqashadii uu dhowaan agaasimaha sirdoonka Suudaan ku tegay magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Danjiraha ayaa xilkan cusub loo rajeynayaa inuu door muhiim ah ka qaato xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, oo ah laba dal oo ay ka dhexeeyaan xiriir taariikhi ah, dhaqan, bulsho iyo walaaltinimo.
Sawir laga soo qaaday munaasabad rasmi kala wareegida waraaqaha danjirnimo ah ayaa muujinaya Danjire Dr. Axmed Jaamac Cumar oo gacan-qaadaya mas’uul sare oo ka tirsan dhinaca Suudaan, taasoo ka tarjumaysa muhiimadda xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dal.
Danjiraha cusub ayaa horyaalla waajibaad muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dowladood, fududeynta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo sidoo kale ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Suudaan.
Soomaaliya iyo Suudaan waxaa muddo dheer ka dhexeeyay xiriir walaaltinimo iyo iskaashi, iyadoo shacabka labada dal ay leeyihiin xiriirro bulsho iyo dhaqan oo soo jireen ah.
Magacaabista Dr. Axmed Jaamac Cumar ayaa sidaas darteed kusoo beegmaysa xilli loo baahan yahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dal iyo in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Waxaa Danjire Dr. Axmed Jaamac Cumar loo rajeynayaa inuu si hufan uga soo baxo waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isla markaana uu ka shaqeeyo danaha qaranka Soomaaliya iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Suudaan.
halkan hoose kadaawo muuqaal uu danjiruhuu ku faahfaahin doono siday u dhacday Xafladii waraaqaha lagaga gudoomay iyo magacaawistii dhawaan iyo iskushaandheytii wasaarada arimaha dibadda soomaali sameysay

Warsan Radio – Codka Shacabka
