Taliyaha cusub ee Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Isse Jeelle Isaaq, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday gobolka Bakool.
Xilka ayaa waxaa G/le Isse Jeelle Isaaq ku wareejiyey Masuulyiin iyo sidoo kale ku-xigeenka Guutada 9-aad Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Cornel Cadow, oo ka socday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo maamulada degmooyinka.
Taliyaha cusub ayaa sidoo kale hambalyo u diray Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib markii loo dallacsiiyey darajada G/sare, isagoo sheegay in dallacsiintaasi ay ka tarjumeyso howl-karnimadiisa, dadaalka iyo hufnaanta uu ku bixiyey u adeegidda qaranka, dhismaha ciidanka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
Kormeerka Furimaha Hore
Kadib la wareegista xilka, Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, G/le Isse Jeelle Isaaq, ayaa kormeer shaqo ku tagay furimaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada Guutada 9-aad.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd in taliyuhu si toos ah ugu kuurgalo xaaladda ciidamada, howlaha ay wadaan, heerka diyaar-garowga iyo baahiyaha ka jira goobaha ay ku sugan yihiin.
Sidoo kale, taliyaha ayaa qiimeyn ku sameeyey qorsheyaasha lagu horumarinayo tayada shaqada, tayeynta ciidamada iyo kor u qaadidda hufnaanta howlgalada ay ciidamada ka wadaan furimaha hore.
G/le Isse Jeelle Isaaq ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada loo diyaariyo waajibaadka qaran ee loo igmaday, iyadoo xoogga la saarayo isku-duubni, anshax, diyaar-garow iyo ilaalinta amniga iyo dowladnimada dalka.










Warsan Radio – Bakool | Codka Shacabka
