Baydhabo: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), iyadoo kulanka lagu xoojiyey iskaashiga dhinacyada caafimaadka iyo adeegyada bulshada.
Wafdiga ICRC ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Caafimaadka, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Maxamed Sheekh, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Nuur Cabdi (Fanax) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Dr. Ibrahim Aadan Cali Soomow.
Xoojinta iskaashiga caafimaadkaKulanka oo socday saacado ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed iyo ICRC, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaal iyo waxqabadyo cusub oo wax ku ool u noqon kara horumarinta adeegyada caafimaadka.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo adeegyada caafimaad ee bulshada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo baahiyaha dadka nugul iyo bulshada ku nool deegaanada ay saameeyeen duruufaha bani’aadannimo.
Kulanka ayaa fursad u noqday labada dhinac inay isla eegaan horumarka laga sameeyey wada-shaqeyntii hore, caqabadaha jira iyo fursadaha cusub ee lagu sii horumarin karo adeegyada caafimaad iyo taageerada bani’aadannimo ee bulshada Koonfur Galbeed.
Wasiirka oo bogaadiyey doorka ICRC
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta soo jireenka ah ee ka dhexeysa Wasaaradda iyo Hay’adda ICRC.
Wasiirku wuxuu si gaar ah u xusay doorka muhiimka ah ee ICRC ay ka qaadato garab istaagga iyo taakuleynta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo gargaarka bani’aadannimo.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay sii wadidda iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah, si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana si wanaagsan u gaara bulshada.
Booqashada wafdiga ICRC iyo kulanka uu la yeeshay hoggaanka Wasaaradda Caafimaadka ayaa kusoo beegmaya xilli muhiimad weyn la siinayo horumarinta nidaamka caafimaadka iyo kordhinta adeegyada caafimaad ee laga heli karo deegaannada Koonfur Galbeed.

























Warsan Radio – Codka Shacabka
