Muqdisho, Soomaaliya – 15 Agoosto 2026:
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa labaad, waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta markii ugu horreysay si rasmi ah u shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS).
Kulankan ayaa noqonaya fadhigii ugu horreeyay ee uu Guddoomiye Jaamac hoggaamiyo tan iyo markii loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka 10-kii Agoosto 2026.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku helay 142 cod, halka musharraxii la tartamayey, Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), uu helay 30 cod.
Kadib doorashada ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dhaariyey Guddoomiyaha cusub, isagoo si rasmi ah ula wareegay xilka.
Fadhiga maanta ayaa muhiimad gaar ah u leh Guddoomiye Jaamac, maadaama uu yahay markii ugu horreysay ee uu guddoonka ka qabto kulanka Golaha Shacabka, isagoo hoggaaminaya xildhibaannada iyo howlaha baarlamaaniga ah.
Guddoomiyaha cusub ayaa horey uga soo shaqeeyay xilal kala duwan oo dowladda Federaalka ah, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo siisay waayo-aragnimo dhinacyada maamulka iyo siyaasadda dowladda.
Doorashadiisa ayaa Golaha Shacabka gelisay marxalad cusub oo hoggaamineed, kaddib markii guddoomiyihii hore Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu ka baxay xilka, iyadoo uu noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiye Jaamac ayaa horey u sheegay inuu Golaha Shacabka ku hoggaamin doono caddaalad, hufnaan iyo wadajir, iyadoo laga sugayo inuu xoojiyo shaqada sharci-dejinta, isla-xisaabtanka iyo doorka Baarlamaanka ee arrimaha qaranka.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale astaan u ah bilowga marxalad cusub oo uu Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ku hoggaaminayo Golaha Shacabka, iyadoo dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo diyaar-garow la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 141-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada waxa ay ugu horreyn u codeeyeen xubin ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo ay soo gudbisay wasaaradda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyey Maxamed Xasan Nuur oo ay wasaararda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka usoo xushay inuu buuxiyo xubintii ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka shir guddoominayey.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha, wuxuuna kula dardaarmay in ay xooga saaraan sidii uu goluhu uga shaqeyn lahaayeen shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga sideedaad.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax ka bedelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya sharci LR 130 ee soo baxay 20-kii April-2012 iyo Borotokoolada kaabaya afarta Axdi ee Geneva 1949-kii.
DHAMMAAD.
