
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Mudane Cismaan Maxamed Cabdi inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo hannaanka maamulka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, iyadoo Wasiir Ku-xigeenka cusub laga filayo inuu door muuqda ka qaato gudashada waajibaadka horyaalla wasaaradda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasiir Ku-xigeenka cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana uu ka shaqeeyo danta guud iyo horumarinta adeegyada ay wasaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Alle uga baryay Mudane Cismaan Maxamed Cabdi inuu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana uu ku guuleysto gudashada waajibaadka qaran ee loo dhiibay.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ka mid ah hay’adaha muhiimka ah ee dowladda federaalka, iyadoo mas’uuliyaddeeda ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka gudaha, taageeridda warshadaha iyo abuuridda jawi ku habboon maalgashiga iyo ganacsiga dalka.
Magacaabista Wasiir Ku-xigeenka cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kobcinayo ganacsiga gudaha iyo dibadda, iyo dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha.
Mudane Cismaan Maxamed Cabdi ayaa hadda si rasmi ah u bilaabaya xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, iyadoo laga sugayo inuu si dhow ula shaqeeyo Wasiirka iyo howlwadeennada wasaaradda si loo dardargeliyo howlaha loo igmaday.
