Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee deegaanka Jasiira, kaas oo Wasaaradda Caafimaadku qorsheyneyso in dib loo hawlgeliyo si bulshada deegaanka iyo nawaaxigeeduba ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Wasiirka waxaa booqashada ku weheliyay qaar kamid ah Wasiirrada iyo Xildhibaannada Koonfur Galbeed, maamulka deegaanka Jasiira, iyo madax ka socotay Hay’adda SOS, kuwaas oo si wadajir ah u qiimeeyay xaaladda isbitaalka iyo baahiyaha ka jira.
Intii uu socday kormeerku, waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay dib-u-hawlgelinta isbitaalka lala yeeshay bulshada deegaanka iyo masuuliyiinta dowladda.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u muujiyay muhiimadda uu isbitaalkani u leeyahay bulshada, iyagoo tilmaamay in dib-u-furistiisu wax weyn ka tari doonto helitaanka adeegyada caafimaad ee deegaanka.
Wasiirka Caafimaadka KGS, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa ballanqaaday in Wasaaraddu ay dadaal xooggan gelin doonto sidii sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu hawlgelin lahaa isbitaalka, si bulshada Jasiira iyo deegaanada ku xeeran ay u helaan adeeg caafimaad oo la heli karo, tayo leh, isla markaana u dhow.
Dib-u-hawlgelinta Isbitaalka weyn ee deegaanka Jasiira waa muhiimad weyn oo caafimaad iyo bulsho leh; waxaan ka shaqeyn doonnaa in bulshada deegaanka ay sida ugu dhakhsaha badan u hesho adeeg caafimaad oo tayo leh ayuu yiri Wasiirka.
Dib-u-hawlgelinta Isbitaalka Jasiira ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo, lagu ballaarinayo laguna horumarinayo adeegyada caafimaadka bulshada, gaar ahaan deegaanada ay baahida caafimaadku ka jirto.
