Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Aadan Macallin Cabdiraxmaan (Aadan Shaati), ayaa magaalada Baydhabo ka daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo looga hadlayo doorka culimada ee u-doodista nabadda, isku-duubnida bulshada iyo faafinta fariimaha nabadda.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Koonfur Galbeed, iyadoo kaashaneysa UNDP Somalia, ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay kamid yihiin culimada iyo imaamyada Baydhabo, macallimiinta madaarista Qur’aanka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo bulshada rayidka ah.
Waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Koonfur Galbeed, Mudane Mubaarak Cabdisalaan Xaaji Cabdi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Ka qeybgalayaasha ayaa bogaadiyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, iyagoo ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso isku-xirka bulshada iyo qabashada barnaamijyo lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo wacyigelinta bulshada.
Kulankan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo inta uu socdo lagu wadaagi doono aragtiyo, talooyin iyo waayo-aragnimo ku saabsan sidii culimada iyo qeybaha kale ee bulshada ay uga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta nabadda, isku-duubnida iyo ka hortagga khilaafaadka.
Wasiir Aadan Shaati oo si rasmi ah u daahfuray kulanka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay kor u qaadista iyo dhowrista Shareecada Islaamka, isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo dadaallada lagu islaaxinayo bulshada.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaraddu sii wadi doonto kulamada iyo barnaamijyada noocan ah, kuwaas oo uu sheegay inay muhiim u yihiin wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda iyo isku-duubnida shacabka Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo doorka culimada, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ka qeyb qaadanaya nabadeynta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed.











































