Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanka Dowladda ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026, iyadoo munaasabadda lagu bogaadiyay dadaalka, kartida iyo guusha ay ardaydu muujiyeen.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiinta ayaa ardayda ugu hambalyeeyay natiijada ay gaareen, iyagoo ku boorriyay inay sii wadaan waxbarashada iyo dadaalka ay ku gaareen guushan.
Intii ay socotay casho sharafta, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta ardayda ku dadaasha waxbarashada, gaar ahaan kuwa kaalmaha sare ka gala imtixaannada, si ay ugu noqoto dhiirrigelin iyaga iyo ardayda kale ee dalka.
Waalidiinta iyo macallimiinta ayaa sidoo kale lagu ammaanay doorka ay ka qaateen guusha ardayda, iyadoo la tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya ardayga, waalidka iyo macallinka uu muhiim u yahay horumarinta waxbarashada.
Ardayda la maamuusay ayaa iyaguna muujiyay farxad iyo mahadcelin, iyagoo ballanqaaday inay sii laba-jibaari doonaan dadaalkooda waxbarasho, kana shaqeyn doonaan sidii ay aqoontooda ugu adeegsan lahaayeen bulshada iyo dalka.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo waxbarashada iyo aqoonsiga guulaha ardayda Koonfur Galbeed, iyadoo loo arko in abaalmarinta iyo dhiirrigelintu ay horseedi karto tartan waxbarasho oo wanaagsan iyo in arday badan ay ku daydaan kuwa guuleystay.













