Ciidanka Booliska ee magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa bulshada u sameeyey khadka taleefanka 2551, kaas oo loogu talagalay in shacabka ay si degdeg ah ula xiriiraan ciidamada booliska marka ay dhacaan xaalado amni ama ay u baahan yihiin gurmad.
Khadkan ayaa fududeynaya isgaarsiinta u dhexeysa bulshada iyo laamaha amniga, iyadoo shacabka ay si toos ah ugu gudbin karaan booliska wararka la xiriira amniga, dhacdooyinka degdegga ah iyo xaaladaha u baahan faragelin.
Hirgelinta khadka 2551 ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta bulshada iyo ciidamada ammaanka, gaar ahaan in boolisku si dhaqso ah uga jawaabaan baahiyaha iyo cabashooyinka shacabka.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqaya inay si masuuliyad leh uga faa’iideystaan khadka, ayna booliska la wadaagaan xogaha muhiimka ah ee gacan ka geysan kara sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni-darrada.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay sare u qaaddo kalsoonida bulshada iyo booliska, isla markaana gacan ka geysato dhismaha xaafado ammaan badan oo ay bulshada iyo laamaha amnigu si dhow u wada shaqeeyaan.
Khadka Booliska Xuddur: 2551.
