Warbaahinta ayaa qoraysa in Garsoore Omar Abdulkadir Artan ayaa lagu casuumay UEFA Men’s Referee Summer Course 2026, oo lagu qabanayo Geneva, Switzerland, 31 August ilaa 2 September 2026.
Muxuu yahay UEFA Men’s Referee Summer Course?
Waa koorso heer sare ah oo UEFA u qabato garsoorayaasha si loogu diyaariyo xilli-ciyaareedka cusub ee tartamada Yurub.
Waxaa lagu qaataa:-
Imtixaan ku saabsan xeerarka kubadda cagta (Laws of the Game)
– Fitness tests iyo qiimaynta awoodda jidheed
– Casharro iyo tilmaamo farsamo oo ku saabsan garsooridda
– Isku-waafajinta habka loo fasirayo xeerarka iyo go’aannada garsoorayaasha
– Diyaargarowga kulamada heerka sare ee UEFA.
Casuumaddan waxay imanaysaa kadib markii Artan uu taariikh ka dhigay UEFA Super Cup 2026, isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee qabta kulankan.
UEFA sidoo kale waxay xaqiijisay inuu yahay CAF Men’s Referee of the Year 2025.
Wararka cusub ayaa sidoo kale sheegaya in UEFA ay doonayso in Artan uu mustaqbalka ka garsooro kulamo ka dhaca Yurub, iyadoo casuumadda koorsada si rasmi ah loo gaadhsiiyey CAF iyo Somalia Football Federation.
Tani waa tallaabo weyn oo u soo hoyatay Omar Artan, Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.
Omar Artan wuxuu sii qorayaa taariikhda garsooridda Soomaalia.
Sources hoos ka eeg 👇
CAF Referee Omar Artan Invited to UEFA Men’s Referee Summer Course in Geneva
