
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta adeegyada amniga iyo booliska, dardargelinta maalgelinta mashaariicda mudnaanta u leh dalka iyo helidda xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha haysta hay’adaha amniga.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo taageerada hay’adaha amniga, si loo horumariyo tayada adeegyada amni, loo dhiso hay’ado amni oo leh awood iyo hufnaan, isla markaana loo xaqiijiyo amni waara.
Dhinaca kale, iskaashiga Dowladda Federaalka iyo UNDP ayaa muhiim u ah taageerada hay’adaha dowladda, horumarinta awoodda ciidamada iyo booliska, iyo hirgelinta mashaariic wax ka tari kara amniga iyo xasilloonida dalka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo awoodda dowladda, iyadoo taageerada saaxiibada caalamiga ah ay qayb muhiim ah ka tahay qorshayaasha lagu gaarsiinayo dalka amni iyo horumar waara.




