Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa daawooyin iyo qalab caafimaad oo muhiim ah gaarsiisay Isbitaalka Gobolka Shabeellaha Hoose ee degmada Marka, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada ku dhaqan Marka iyo deegaanada ku xeeran.
Daawooyinka iyo qalabka caafimaad ee la gaarsiiyay isbitaalka ayaa qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda Caafimaadka ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaad, laguna xaqiijinayo in sahayda caafimaad si siman loo gaarsiiyo isbitaallada iyo xarumaha caafimaad ee ku yaalla degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qorshahan ayaa sidoo kale ku wajahan isbitaallada ku yaalla degmooyinka Baraawe, Afgooye iyo Marka, iyadoo Wasaaraddu ay waddo qorshe lagu gaarsiinayo sahayda caafimaad degmooyinka kale ee gobolka, gaar ahaan kuwa aan weli helin daawooyinka iyo agabka caafimaad ee loo qorsheeyay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii bulshada ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Hoose ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh, daawo ku filan iyo qalab caafimaad oo muhiim u ah daryeelka bukaannada.
Gaarsiinta daawooyinka iyo qalabka caafimaad ayaa qeyb muhiim ah ka ah qorshaha Wasaaradda Caafimaadka ee lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaad iyo in la fududeeyo helitaanka daryeel caafimaad oo ku filan bulshada.
Wasaaraddu waxay sidoo kale rajaynaysaa in maalmaha soo socda sahayda caafimaad ay gaarto dhammaan degmooyinka loo qorsheeyay, si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee bulshada Gobolka Shabeellaha Hoose.





