Maamulka Degmada Baydhabo ayaa qayb ka ahaa qaban-qaabada Aqoon-is-weydaarsiga iyo Wadatashiga Dowladda Koonfur Galbeed ee ku saabsan dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta, kaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Degmada Baydhabo, Mudane Faysal Maxamed Duuble, ayaa ka qaybgalay kulanka, isagoo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay arrimaha la xiriira xasilinta, nabadeynta iyo xoojinta amniga bulshada.
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga aragtiyada, dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta iyo xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta.
Guddoomiye Faysal Maxamed Duuble ayaa hadalkiisa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadatashiga iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan, si loo taageero dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo horumarinta amniga bulshada.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed, Maamulka Degmada Baydhabo iyo dhinacyada ay khuseyso, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo istaraatiijiyad wax-ku-ool ah oo horseedda nabad, amni iyo xasillooni waarta.





