Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kaddib safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho.
Hoggaamiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
Soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaano, saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Mahad Maxamed Sheekh, ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Wuxuu sheegay in xaaladda amni ay wanaagsan tahay, isagoo xusay in ciidamada ay ka hortageen weerar ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay dadaallada ay ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga Koonfur Galbeed ku bixinayaan sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha hubeysan.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed soo dhoweynta diirran ee loogu sameeyey Baydhabo.
Wuxuuna bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga dadaallada ay ugu jiraan difaaca shacabka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira safafka kooxda Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay inay ka soo laabtaan fikirka uu ku tilmaamay marin-habaabinta, ayna isu soo dhiibaan dowladda si ay uga qeyb qaataan nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay soo dhaweynta cid kasta oo ka soo laabata fikirka xagjirka ah, isla markaana dooneysa inay qayb ka noqoto nabadda iyo dowladnimada.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay ka feejignaadaan wararka aan la xaqiijin iyo dacaayadaha lagu faafinayo baraha bulshada, kuwaas oo uu sheegay in lagu cabsi gelinayo bulshada. Wuxuu xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.






Halkan hoose kadaawo kalimada Sheekh Aadan Madoobe.
https://x.com/Warsannews/status/2091122455477625123
