
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, kadib markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada.
Hoggaamiyaha ayaa lagu wadaa inuu Baydhabo ka sii wato howlo shaqo iyo kulamo la xiriira xaaladda maamulka, amniga iyo arrimaha bulshada.
Soo laabashada Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada Baydhabo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo amni, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay xoojinayaan sugidda amniga magaalada.
Aadan Madoobe ayaa bishii Juun 2026 loo doortay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, isagoo doorashada ka helay 88 cod.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in imaatinkiisa Baydhabo uu qeyb ka yahay dib-u-xoojinta howlaha maamulka iyo la socodka xaaladda magaalada.
