
Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in goordhow uu ka furmo shir caalami ah oo ay ka qeybgalayaan madaxda iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Isbahaysiga Milatari ee Islaamiga ah ee la-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga xagjirnimada iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo shirka, iyadoo ay ka qeybgalayaan madax, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda dalal kala duwan.
Shirkan ayaa Soomaaliya u noqonaya fursad muhiim ah oo lagu muujinayo dadaallada dowladda ee ku aaddan amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada, iyadoo sidoo kale la xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka Islaamka ee dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodaha hay’adaha dowladda.
Mas’uuliyiinta ka qeybgalaya ayaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan khibradaha iyo xeeladaha lagu xoojin karo dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo khataraha amni ee gobolka iyo caalamka.
