Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Osmaan Jiidow, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka macallimiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Imtixaankan ayaa muhiimad gaar ah u leh dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo tayada macallimiinta, iyadoo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo aqoonta, kartida iyo xirfadaha ay macallimiintu ka kororsadeen tababarradii ay muddo ku qaadanayeen magaalada Baydhabo.
Tababarrada iyo imtixaannadan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Waxbarashada ee lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta macallimiinta, si loo helo macallimiin leh aqoon iyo xirfado ku filan gudashada waajibaadkooda waxbarasho.
Wasiir Maxamed Osmaan Jiidow ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta macallimiinta, maadaama macallinku yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso jiil aqoon leh, karti badan oo ka qeyb qaata horumarka bulshada.
Imtixaanka ayaa sidoo kale fursad u ah Wasaaradda in ay si caddaalad iyo hufnaan leh u qiimeyso heerka aqooneed ee macallimiinta, isla markaana ay ogaato meelaha u baahan in la sii xoojiyo tababarro iyo horumarin dheeraad ah.
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa mar walba muhiimad siinaya horumarinta waxbarashada, tayeynta macallimiinta iyo abuurista jawi waxbarasho oo horseeda mustaqbal wanaagsan oo ay helaan carruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa wadaa dadaallada lagu tayeynayo macallimiinta iyo kor u qaadista heerka waxbarashada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.





