
Xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali (Siidekey) ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ay colaadda iyo iska horimaadyadu ka dhex jiraan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya khilaafaadka inay si degdeg ah u joojiyaan dagaallada iyo falalka colaadeed, isla markaana ay mudnaanta siiyaan nabadda, xasilloonida iyo wada-hadalka.
Saalax Shariif ayaa xusay in colaadaha hubeysan ay saameyn weyn ku yeeshaan shacabka, gaar ahaan dadka rayidka ah, isla markaana ay dib u dhac ku keenaan horumarka iyo adeegyada bulshada.
Waxa uu ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso inay miiska wada-hadalka ku soo laabtaan, khilaafaadkana lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo midnimada bulshada iyo xasilloonida Koonfur Galbeed.
Baaqan ayaa ku soo aadaya xilli loo baahan yahay dadaallo dheeraad ah oo lagu yareynayo xiisadaha, laguna dhiirrigelinayo wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin dhex marta dhinacyada ay khilaafaadku saameeyeen.
Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ku booriyay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara colaadda, ayna ka shaqeeyaan sidii shacabka loogu soo celin lahaa nabad, amni iyo nolol deggan.
Halkan hoose kadaawo iyo baraheena bulshada sida facebook, X iyo Youtube-ka
https://x.com/Warsannews/status/2091328987603550640
